Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay xarakada al-shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay deegaano hoos yimaada Gobolka Mudug.
Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug Cali C/laahi oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Galmudug loosoo gacan galiyay maxaabis laga soo qabsaday ciidamada xarakada al-shabaab.
Cali C/laahi Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay aad kaga caroodeen dhibaatooyinka ay al-shabaab u geysan jireen taasina ay keentay in dagaal ay la galaan al-shabaab.
Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug Cali C/laahi ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hadii dhalinyarada ka tirsan al-shabaab ay kusoo biiraan maamulka Galmudug isla markaana ay dhalinyarada ay u sameyn doonaan dhaqan celin.
Hadalka Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shalay aheyd uu dagaal xoogan uu ka dhacay deegaano kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deeganada camaara iyo ceel-huur.

