Dhageyso:- Mar Walba Waxaan u Baahanahay Taageerida Shacabka Gobolada jubooyinka iyo Gedo

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe ayaa ka codsaday dadka dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo koonfurta dalka Soomaliya  in ay Taageero u muujiyeen Maamulkiisa Juba-land.

Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo Magaalada Kismaayo warbaahinta kula Hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu mar walba u baahan Garab istaaga dadka dega Gobolada Jubooyinka iyo gedo si uu hormar wanaagsan u sameeyo Mamaulka.

‘’Mar walba waxaan u baahanahay Taageerida dadka dega Gobolada Jubooyinka iyo Gedo maamul dhisan hormar ma sameyn karo ilaa uu helo taageerida shacabka ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta degta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo  ee Koonfurta dalka soomaliya ayaa dhaliilsan hanaanka maamulka Juba-land uu ku hogaaminaayo Madaxweyne axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here