Dhageyso:- Maamulka Galmudug oo Sheegay in Maxaabiis laga Qabsaday al shabaab

0

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay xarakada al-shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay deegaano hoos yimaada Gobolka Mudug.

Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug Cali C/laahi oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Galmudug loosoo gacan galiyay maxaabis laga soo qabsaday ciidamada xarakada al-shabaab.

Cali C/laahi Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug  waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay aad kaga caroodeen dhibaatooyinka ay al-shabaab  u geysan jireen taasina ay keentay in dagaal ay la galaan al-shabaab.

Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug Cali C/laahi ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hadii dhalinyarada ka tirsan al-shabaab  ay kusoo biiraan maamulka Galmudug isla markaana ay dhalinyarada ay u sameyn doonaan dhaqan celin.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamulka Galmudug  ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shalay aheyd uu dagaal xoogan uu ka dhacay deegaano kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan deeganada camaara iyo ceel-huur.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here