Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay sii wadi doonto dadaalkeeda lagu wiiqayo Al-Shabaab.
Ambassador Nebiat Getachew, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee Itoobiya ee dhimista khatarta al-Shabaab ee gobolka.
“Al-Shabaab waxay weli walaac ku yihiin amniga qarankayaga, dadaallada looga hortagayona waa ay sii socon doonaan xaalad walba si looga hortago inay khatar ku noqoto amniga gobolka,” ayuu yiri Nebiat Getachew.
Nebiat waxa kale oo uu xusay in maaddaama ay Itoobiya iyo Soomaaliya yihiin deris aan la kala maarmi doonin, ay sidaas daraadeed Itoobiya sii wadi doonto fulinta aragtideeda istiraatijiyadeed si ay xoojiso is-dhexgalka gobolka mustaqbalka fog.

