Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan geeysay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

0

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa la geeyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii wada hadal dhex dhexaadin ah oo ay garwadeen ka tahay Kenya lagu xalin waayay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay nidaamka Doorashada cusub ee hal qof iyo hal cod ee dalka inuu ka qabsoomo oo ay isku maandhaafeen Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Ciidamo ka tirsan qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay in markii ay halkaasi gaareen ay sameysteen difaacyo cusub, waxaana ay isku diyaarinayaan qaadista howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here