Qaxooti Ethopiyaan ah oo Gaaray Deeganadda Maamulka Puntland

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland, Cabdi Siciid Juxa, ayaa shaaca ka qaaday in ku dhawaad 30,000 oo qaxooti Ethiopian ah ay muddo 10 bilood ah soo galeen deegaannada Puntland.

Wasiirka ayaa arrintan ka hor sheegay baarlamaanka Puntland, isagoo walaac xooggan ka muujiyay qulqulka dadka soo galootiga ah ee Itoobiyaanka ah.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in maamulka Puntland uusan haysan awood ku filan oo uu ku xakameeyo ama ula tacaalo qaxootiga sii kordhaya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in wada-hadallo ay la yeesheen dowladda Ethiopia ay diiradda saarayaan sidii loo xakameyn lahaa qulqulka qaxootiga iyo dib u celinta qaxootiga ku sugan Puntland.

“Waxaa horey Puntland ugu sugnaa 15,000 oo qaxooti ah iyo 450,000 oo barakacayaal ah. Waxaana xaaladda hadda jirta ka dhigtay mid kasii daran qulqulka muhaajiriinta Ethiopian-ka ah ee maalmihii ugu dambeeyay kordhay,” ayuu yiri Wasiir Juxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here