Madaxweyne Xasan Shiikh oo Diiday La kulanka ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray inuu magaalada Beijing ee Shiinaha kula kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

 

 

Wararka aanu helnay waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan madaxweynaha Jabuuti, madaxweynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ay madaxweynaha Soomaaliya usoo gudbiyeen soo jeedinta kulanka isaga iyo Abiy Ahmed.

 

Waa markii labaad oo uu madaxweynaha Soomaaliya uu diido inuu la kulmo raysal wasaaraha Itoobiya.

 

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Kenya Willian Ruto uu isku dayay inuu magaalada Nayrobi ku kulansiiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Ahmed. Hase ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulankaas diiday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here