Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Tog-wajaale, ayaa sheegay in heshiisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadaadisyo.
“MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar maanta ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la dagaalamayna iyo Masar ayaan keenayaa oo Somaliland ayaan burburinayaa” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

