Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Madaxtooyada Beijing ee dalka Shiinaha dhigiisa dalkaas madaxweyne Xi Jinping.
Kulanka laba geesoodka ahaa ee dhexmaray labada Madaxweyne ayaa ahaa mid ay kaga wada hadalayeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, islamarkaana meel sare loo gaarsiin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.
Labada madaxweyne ee dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sidoo kale is dhaafsaday in dhinac walba uu si buuxdo u ilaalinayo Wadajirka iyo midnimada labada shacab, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah.

