Hoobiyayaal Lagu Garaacay Agagaarka Garoonka Aadan Cadde

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyayaal saakay laga maqlay gudaha Magaaladda muqdisho.

 

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen qaar kamid ah xaafadaha degmada Wadajir, gaar ahaan kuwa u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Dhawaqa Hoobiyayaasha ayaa si weyn looga maqlay gudaha Magaaladda muqdisho,waxayna dhacayn salaadii subax kadib.

 

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafadda Ceelqalow, Degmadda Wadajir waxaana jira khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo looga hadlaayo hoobiyayaasha saakay laga maqlay gudaha magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here