Puntland ayaa si kulul ugu jawaabtay eedeen ugu timid Qaramadda Midoobay ee ku aadan in la toogtay caruur aan qaan gaarin.
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Isku dhacyada Hubeysan, iyo Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta, ayaa si wadajir ah waxay ugu baaqeen Soomaaliya inay meesha ka saarto xukunka dilka carruurta iyo da’yarta kuwaasoo dil lagu xukumo sababo la xiriira inay galeen dembiyo iyagoo ay da’doodu ka yar tahay 18.
Warsaxaafadeed kasoo baxay QM ayaa lagu sheegay in khubarrada QM ay ka walaacsan yihiin aadna u cambaareynayaan dilkii 17-kii August magaalada Gaalkacyo loogu fuliyay da’yar lala xiriiriyay al-Shabaab.
Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlay markii ay soo baxday warbixinta UNICEF, ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”
Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.
“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Ceydiid.
