Xasan Shiikh oo Taleefanka Kula Hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub

0

Josep Borrell Fontelles oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda, ayaa kulan qadka taleefoonka ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa xiisadaha ka taagan gobolka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la xoojinayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Intii uu wada hadalkooda socday,  Josep Borrell Fontelles ayaa sheegay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo dadaallada amniga ee iskaashiga ah ee ka dhanka ah caqabadaha sii kordhaya ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dadaallada la iska kaashanayo ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sugidda amniga dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here