Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha Al-shabaab kasoo gaaray howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaano ka kala tirsan Galgaduud iyo shabeellaha dhexe.
Howlgalka oo qaatay ku dhawaad 24 saac ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku kala sugnaa tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta deegaanka Ruunirgood iyo deegaanka Ceel Heele oo hoostagta degmada Ceeldheer.


