Lataliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku dhawaaqay iney kala tageen madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Fatmaajo.
Fahad oo sidoo kale soo noqday Agaasimihii hore ee ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri
“Laga bilaabo maanta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay Ida Sebteembar 2024, waxaa soo idlaaday wadajirkii iyo wada socodkii siyaasadeed ee aan la lahaa Madaxweyne hore Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxaana cid walba u caddaynayaa in aanan qayb ka ahayn ololihiisa siyaasadeed ama doorasho.”


