Farmaajo oo Ka Digay in Maamulka Hawada Lagu Wareejiyo Dowlad shisheeye.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa digniin culus u diray dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ku aaddan qorshaha maamulka hawada Soomaaliya loogu wareejinayo dowlad shisheeye.

 

War-saxaafadeed uu  soo saaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku sheegay in uu aad uga walaacsan yahay in tallaabadaas ay wax u dhimeyso Qarannimada Soomaaliya.

 

Farmaajo ayaa aad u dhaliilay go’aanka dowladda Soomaaliya ay shirkad laga leeyahay Imaaraadka ugu wareejisay mas’uuliyadda maamulka hawada, isagoo ku dooday in arrintaasi ay halis gelineyso amniga qaranka, islamarkaana ay wiiqeyso horumarka laga gaaray duulista hawada Soomaaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here