Dowladda Masar ayaa lagu soo waramayaa inay 10,000 oo askari u soo dirtay Soomaaliya, tallaabadaan ayaa muujineysa iney ka dhalan karto xaalad kacsanaan ah oo haatan ka jirta geeska Afrika.
29-kii Agoosto, labo diyaaradood oo militari oo Masar ah oo sidday hub iyo rasaas ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho, taasoo qeyb ka ah qorshaha Masar ay ugu mid noqonayso Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya,kadib heshiiskii amni oo ay kala saxiixdeen Agoosto 2024 Soomaaliya iyo Masar.
Wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ayaa ku waramayso in imaanshiyaha Ciidamadda Masar ee gudaha Somaaliya ay ugu sii darayso xiisadda gobolka haatan ka jirta.
Xiisada u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya ayaa maraysa heer aan hore loo arag oo ka dhalatay biyo xireen wayn ee Itoobiya ee loo yaqaan (GERD) ee ku yaala wabiga Niil.
Tan iyo markii la bilaabay dhismaha 2011, Masar waxay u aragtay biyo-xireenka mid khatar toos ah ku ah bixinta biyaha.
In kasta oo dhawr wareeg oo gorgortan ah, oo uu ku jiro dadaal uu Maraykanku dhexdhexaadinayo 2019-kii, dhinacyadu waxay ku guuldaraysteen inay gaaraan heshiis waara.
18-bilood ka hor Dowladda Ethopia ayaa heshiis aan sharci aheyn la gashay Maamulka Somaliland,kaasi oo ku aadanaa in Somaliland aqoonsi hesho,halka Ethopia la siiyo Badd.
Talaabadan ayaa xumeysay xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya oo heshiiska ku tilmaamay mid xad gudub ku ah madax banaanideeda.
Taasi waxay keentay in Masar iyo Soomaaliya ay isku soo dhawaadaan, iyagoo Masar ka dhigay xulaf istiraatijiyadeed oo Soomaaliya ka hor imaanaya Itoobiya.

