Ethopia oo Soomaaliya Ku Eedeysay in ay Sii Hurinayso Colaadda Gobolka

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie, ayaa  ku eedeeyay madaxda Soomaaliya inay sii xumeeynayaan xiisadda labada dal ee deriska ah. Isagoo sheegay  in Soomaaliya ay gacan saar la leedahay hay’ado shisheeye oo doonaya inay khal-khal geliyaan gobolka.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa Jimcaha maanta, ayuu sheegay in qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ay si firfircoon uga shaqeynayaan sidii colaadda loo sii kordhin lahaa, gaar ahaan iyadoo la wiiqayo tabarucaadka askarta Itoobiya ee ku howlan nabad ilaalinta Soomaaliya muddo toban sano ah.

 

“Itoobiya waxay naf-hurnimo ku bixisay dadaallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa u muuqda inay hadalkooda diiradda saarayaan sidii loo dhimi lahaa dadaalladaas halkii ay raadin lahaayeen xal wax ku ool ah” ayuu yiri Taye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here