DEGDEG:Dagaal ka Socda Xabsiga dhexe ee Xamar.

0

Is rasaaseyn ayaa saaka ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, is rasaaseynta ayaa timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen hub iyo bambooyin si qarsoodi ah loogu geeyay, waxaana ay la dagaalameen ilaalada xabsiga.

Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay shaqaaqada ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, waxaana la soo warrinayaa in xaaladda ay hadda tahay mid degan.

Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray Xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here