Madaxweynaha jubaland oo mareykanka kala hadlay Dagaalka al shabab.

0

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah  al shabab.

Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland ee lagu xoreeyay deegaanada joore gaar ahaan deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Dowladda Jubaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin al shabab

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Mudane Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

DHAMMAAAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here