madafiic lagu weraray madaxtoyada soomaliya

0

Madafiic Hoobiyeyaal ah ayaa habeenkii xalayto ahaa  ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee degmada Wardhiigley, waxayn wararku sheegayaan in madaafiicdaasi geysteen qasaare.

Hoobiyeyaasha qaarkood ayaa  ku dhacay Xaafaddo ka agdhow madaxtooyada waxaana ilaa hada la xaqiijin khasaraha rasmiga inta uu la egyahay

dhinaca kalana ma jirto wax waraa kasoo baxay hayadaha amniga dowlada iyo al shabab midkood oo ka hadlaya werarka xalay dhacay xili dadka soomaliyeed ay u diyaargarowayaan maalmaha ciida oo nagu soo food leh

sidoo kalana arintaan ayaa kusoo beegmeyso xili sacaado ka hor mareykankanku ka digay weraro ka dhici kara xarumaha dowlada iyo goobaha kale sida hotelada maqayadaha

Madaafiicda lagu garaaco madaxtooyada iyo agagaarkeeda ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho iyadoo hay;adaha nabadsugidda iyo ciidamada booliska ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan madaafiicda laga dhex ridayo magaalada Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here