masuul ka tirsanaa gobolka sh.hoose oo muqdisho lagu dilay

0

Koox ku hubeysnaa bustoolado ayaa maqribkii xalay waxa ay muqdisho ku dileen masuul ka tirsanaa mamulka gobolka sh.hoose ee koonfur galbeed Soomaliya.

Masuulkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Gaabow buule oo ahaa gudoomiye ku xigeenaka amniga iyo siyasada ee mamulka degmada awdhiigle ee gobolka sh.hoose.

Sidoo kalana masuliyiin ka tirsanaa Gobolka sh.hoose iyo kan koonfur galbeed Soomaliya ayaa ka tacsiyadeyay dilka marxuumkaasi iyaga oona sheegay in Nabadoon ahaa masuulka muqdisho lagu dilay

 

Dhinaca kalana Ciidamo Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta uu ka dilka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgalo ay ku baadigoobayeen dadkii ka dambeeyay dilka ku xigeenkii degmada awdhiigle Gabow buule

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here