Barlamaanka soomaliya ayaa manta oo sabti ah yelanaya kulan xasaasi oo ka dhacaya xarunta golaha shacabka ee villa hargeysa
Kulanka manta ayaa la doonayaa sidii loo ansixin lahaa wax ka badalka qeyb ka mid dastuurka ku meel gaar ah ee jamuuriyada federaalka ee soomaliya si gaar ah afarta cusub ee ugu horeya kaasi oo maalmihii danbe barlamaanka uu ka shirayay
Waxaana dhinaca kala jirto cabsi laga qabo in uu kulanka manta hareeyo buuq aad u xoogan maadama xilibanada qaar ee labada gole ay si weyn u diidan yihiin wax ka badalka dastuurka dalka
Sidoo kalana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya maxamed cabdulahi farmaajo iyo shikh shariif shikh axmed ayaa muujiyay walaac xoogan oo ku aadan qorshaha Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan wax ka badalka Dastuurka, kaas oo la filayo in cod loo qaado manta Sabtida ah, 30-ka Maarso 2024.
Waxa ayna si adag uga digeen in natiijada la filayo inay tahay mid aan ka turjumaynin danaha guud iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, balse ay tahay mid u adeegaya dano gaar ah.

