ciidanka bada hindiya oo mar kale qabtay koox soomali burcad badeed ah

0

Budhcad Badeed Soomaali ah oo Afduub u haystay Dooni kaluumaysi oo Iran laga leeyahay ayaa shalay  isu dhiibay Ciidanka Badda Hindiya oo hawlgal maalmihii danbe ka samaynayay xeebaha soomaliya

 

Ciidanka Badda Hindiya ayaa sheegay in doonta Al-Kambar, oo ay saarnaayeen 23 qof oo Pakistan u dhashay ay hadda badqabaan oo gacanta lagu hayo.

 

Howlgalka ay kooxdan isku soo dhiibtay markabka INS Sumedha ee ciidanka badda Hindiya ayaa ka socday muddo 12 saac ah  meel qiyaastii 90 nm koonfur-galbeed ka xigta jasiiradda

Socotra.

 

Horey sidaan oo kale magaalada Mumbai ee dalka hindiya ayaa laga dajiyay  35 qofood oo ah burcad badeed soomali ah,

 

Si kastba Waxaana Bilihii ugu danbeyay sii kordhayay Afduubka maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee mara Bada Cas gaar ahaan Soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here