madaxtoyada soomaliya war kasoo sartay werar lagu dilay 60 qof oo ka dhacay mascow

0

Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhintay 145 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen dad ka qeybgalayay bandhig faneed ka dhacayay  magaalada Moscow ee caasimada dalka Rushka
iyadoona uu noqday mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Ruushka muddo tobanaan sano ah.

Ruushka ayaa shaaca ka qaday in ay baarayaan cidda ka dambeysay weerarkii lagu qaaday hoolka Crocus City Hall, kaasoo dhacay xilli dad badan ay fariisanayeen bandhig faneed ay qabanayeen kooxda ruugcadaaga ah.

Weerarkaan oo dhacay fiidnimadii jimcahii xalay ahaa ayaa waxaa masuuliyadeeda sheegtay kooxda daacish Waxa ay sheegtay in dagaalyahanadeeda ay weerar ku qaadeen duleedka Moscow, “ay dileen kuna dhaawaceen boqollaal, burbur weynna u geystay goobta ka hor inta aysan si nabad ah uga laaban saldhigyadooda”Ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah kooxda

Dhinaca kalana Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ka dhacay tiyaatarka Moscow ; “Dowladda Soomaaliya waxay garab taagan tahay shacabka Ruushka xilligan adag, waxayna diidday dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here