Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal Sake ka dhacay degaan dhaca duleedka magalada muqdisho ee caasimada dalka
Dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxa uu dhexmaray Ciidanka dowlada Gaar ahaan Kuwa boliis maletariya iyo Al shabab si gaar waxa uu ka dhacay deegaanka
Busleey oo ku yaalla nawaaxiga deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.
Wararka hor dhaca oo aan helnay ayaa sheegaya in uu dagalkaa ku dhintay Alla ha unaxristee taliye Libaan Golcad oo ka mid ahaa sarakiisha Ciidanka boolis malatariya iyo askar kale
Al shabab oo gordhow war kasoo sartay werarkaan ay saake ku qaday Fariisimo ciidanka dowlada ayaa waxa ay shegtay in Ciidankaan mudooyinkii danbe ay wadeen dhaqdhaaq ay ku doonayeen in ay kula waregaan degaano ay maamulaan al shabab gaar ahaan gandarshe iyo degaano kale oo badan.
Degaanka ayay shegeen in ay xiligaan gacanta ku hayaan inkasoo aysan ilaa hada sheegin qasaaraha dagaal ee laba dhinac.
Dagaalka sake ayaa imaanaya xili maalmahana duleedka muqdisho gaar ahaan sh.hoose ka socday howlgalo ka dhan ah Al shabab
Wixii kusoo kordho kala soco Simba news.net

