DEGDEG:Hindiya oo laga dajiyay 35 qof burcad badeed soomali ah

0

magaalada Mumbai ee dalka hindiya ayaa manta oo sabti ah laga dajiyay  35 qofood oo soomali ah ku waasi oo ah burcad badeed soomali ah,

 

Ragaan Manta laga dajiyay hindiya ayaa laga qabtay Lix maalmood ka hor xeebaha Soomaliya  ka dib markii ciidamada Kumaandooska ee badda hindiya  howlgal sacado badan qaatay ay dib ula waregeen  markab xamuul oo la afduubay  bishii December ee sanadkii hore ee 2023

 

 

Raggan ayaa la filayaa in loo gudbiyo xabsi galinka dambe ee Sabtida manta ah

 

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee dalkaasi hindiya   ayaa sheegay in usbuucan ay tahay markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan oo ragga lagu qabto burcad badeednimo la keeno xeebaha Hindiya si loogu maxkamadeeyo burcad badeednimo.

 

Dhinaca kalana Budhcad badeeda Soomaalida ayaa hore u damcay in ay qabtaan “markab hooyada” oo awood u leh in uu ku safro masaafo aad u dheer si ay u beegsadaan maraakiibta waaweyn.

 

Burcad badedaan soomali ah ee laga dajiyay Mumbai  ayaa imaanaya xili  Markabka MV Abdullah ee ka

 

babanaya calanka Bangladesh wali gacanta uu ugu jiro koox somali burcad badeed ah  iyadoona 23 shaqaale ay la socdaan markabkaasi waxaana dhawaan la filayaa in loo diyaar garowo Howl lagu soo qabanayo

 

 

Waxaana Bilihii ugu danbeyay sii kordhayay Afduubka maraakiibta iyo doomaha ganacsi ee mara Bada Cas gaar ahaan Soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here