Wakaalladda Wararka ee Wafa ayaa ku warrantay in weerarro cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday laba guri iyo guri ku yaalla magaalada Rafah ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo caruur ku jiraan sidoo kalana tiro kale ay ku dhaawacmeen
Wakalada oo soo xiganeysa bahda caafimaadka ayaa shegtay in xalado darani ay wali ka jiraan Qaza iyo hareeraheeda
Dhinaca kalana Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo macluusha waqooyiga Qaza, isaga oona musiibo ku tilmaamay waxa socda “gabi ahaanba ayna dadku sameeyeen.

