Qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa oo ka soo horjeeda wax ka bedelka larabo in lagu sameeyo Dastuurka Dalka ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaannadan Muqdisho ku shiray ayaa isla gartay in wax kabedelka Dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole , laakiin uusan xilligan meelmar noqon karin ilaa hishiis lagu noqdo madama dhinacyo badan ay kasoo horjedaan sida loo wado wax ka badalka dastuurka dalka sida ay hadalka u dhigeen
xildhibaanada xalay ku shiray Muqdisho ayaa ka badnaa ilaa 70 xilibaan oo labadiisa gole ah waxaana ka soo muqday xilibaano horey madaxweynaha kala shaqeynayay arimaha wax ka badalka dastuurka dalka sida xidhibaan dhabancad” senetar gaagaab iyo xilibaano konfur galbeed kasoo jeeda
waxa ayna gudoonka barlamaanka dalka iyo madaxweynaha soomaliya uga digeen wax ka badalka dastuurka dalka in lagu degdego xili maalmaha soo socda barlamaanka la doonayo in uu meel mariyo in isbadal lagu sameyay arimaha wax ka badalka dastuurka dalka

