Ciidamada PMPF oo si joogta ah u fuliya howlgalo ka dhan ah Burcad Badeedda xeebaha Puntland ayaa hawlgallo qorshaysan oo ay ka fuliyeen gobolada Mudug iyo Nugaal ku qabtay dabley Burcad Badeedda ah.
Dabledan oo aan la shaacin tiradooda ayaa waxaa malmihii danbe ku guda jiray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa lamahana amniga Puntland gaar ahaan ciidanka pmpf oo ah ciidan loo carbiyay la dagaalanka burcad badeeda
Dhinaca kalana Ciidanka ladagaalanka burcad badeeda Puntland ee kusugan deegaanka jiifle iyo dhinowda ayaa heegan buuxa lagaliyey waxayna kabaabiga kuhayaaan markabka MV Abdlla, kaas oo ay afduub ku haystaan koox burcad badeeda ah.
Sawiro laga qaaday ciidanka kusugan aaga lagu haysto markabka ayaa muujinaya diyaar garow adag oo lagaliyey ciidanka.
Howlgalka ladagaalanka kooxa qowlaystayasha ah ee burcad badeeda ah ayaa sadexdii todobaad ee la soo dhaafay ka socda xeebta badwaynta Hindiya ee ku teedsan degmooyinka Eyl iyo Godob-jiraan.
Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal oo hogaaminaya howgalkaan ayaa sheegay iney saacadaha soosocda guul ka gaari doonaan,dhanka kale Taliyaha iyo saraakiisha ayaa uga mahadceliyey ciidamadda ladagaalanka burcad badeeda ee saaxibada calamka oo gacan buuxda kasiinaya dowlada Puntland sidii loosoo afjarilahaa kooxa burcad badeedka ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba.
Diyaar garowgaan adag ee lagaliyey ciidanka ayaa ku soo aadaysa iyadoo saacado ka hor war ka soobaxay ciidanka badda ee dalalka howgalka burcad badeeda lagu sheegay iney howlgal qorshaysan ku fulinayaan Markabka Mv Abdalla,iyadoo labo markab oo ah kuwii fuliyey howlgalkii hore ee lagu furtay marabkiibtii hore aya labo jiho kaga yimaadeen markabka.

