DEGDEG:Dhimasho iyo dhawac la garsiyay koox burcad badeed soomali ah

0

Warar dheraad ah ayaa kasoo baxaya dhimasho iyo dhawac la gaarsiyay burcad badeed soomali ah Kooxdaan oo isku dayay inay qabsadaan dooni kalluumaysi oo laga leeyahay Iran ayaa la kulmay iska caabin kaga timid ragii sarnaa doonta kalumeysi

Inta la xaqijiyay mid ka mid ah ayaa  la dilay mid kalana waa la dhaawacay, markii ay iska caabiyeen rag hubaysan oo saarnaa doontii ay iskudayeen inay afduubaan. Falkaan ayaa ka dhacay meel ku beegan xeebaha deegaanka Ceel Dhanaane,

 

Doonyaha kalluumaysiga ayaa noqday habka ay kooxaha Soomaalida hadda ku soo qafaashaan maraakiibta ganacsiga ee ay ka soo afduubaan biyaha caalamiga ah.

Dhica kalana Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya ayaa ku dhawaaqay inay Hawlgal qaatay muddo 40 Saacadood ku soo furteen Markabka Xamuulka ee MV Ruen oo ay Burcad-baddeed Soomaali ah horey u qafaasheen bishii December 14-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii.

Warbixin lagu daabacay bartooda X Taliska Ciiddanka Badda ee ayey ku sheegeen inay Labada Markab dagaal ee lagu kala magacaabo INS Kolkata iyo INS Subhadra fuliyeen Hawlgalkaasi maanta oo Sabti ah, iyadoo la soo badbaadiyey 17 Badmaax oo la socday Markabka la afduubtay bishii December 14-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii.

Sidoo kale 35 Burcad-baddeed ayaa Isa soo dhiibay oo 24 ka mid uusan soo gaarin wax dhaawacyo, taasi oo micnaheedu tahay in 11 kale ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, lamana soo werinin wax dhimasho ah ilaa haatan.

Markabka Xamuulka ee MV Ruen oo Calanka Jesiiradda Malta ka dul babanayey waxaa iska leh Shirkad laga leeyahay dalka Bulgaria oo lagu magacaabo The Navigation Maritime Bulgare.

Maalmihii dane waxaa sii kordhayay afduubka marakiibta iyo doomaha ganacsi ee mara biyaha bada cas iyadoona digniino dhowr ah la bixinayay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here