Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka al shabab iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha al shabab wararada badiso
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, al shabab aanay fursad ugu helin waraxyada iyo werarda kala ay geystaan
Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxda al shabab

