XOG:isbadal lagu sameyay Taliyayaasha Booliska Dagmooyinka Gobolka Banaadir

0

Taliyaha ciidanka boliska soomaliyeed  Sareya guuto sulub axmed firin ayaa qaday talaabo culus oo loogu jawaabayo werarkii al shabab ay ka geysteen hotel syl ee muqdisho oo ku yaal afafka hore ee xarunta madaxtoyada soomaliya

Talaabadaan ayaa ah isbadal lagu sameeyay qaar kamid ah Taliyayaasha Booliska Dagmooyinka Gobolka Banaadir Isbadalkan ayaa saameeyay Taliyayaasha Saldhigyada Waaberi’ Howl wadaag’ warta nabada’ Hilwaa iyo Kaxda. Oo ka mid ah degmooyinka muhiimka u ah sugida amniga magalada muqdisho

 

Sidoo kalana durbaba waxaa bilowday howlgalo culus oo lagu xaqiijinayo amniga magalada muqdisho madaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan al shababna ay direen hanjabaad culus oo ku adan kordhinta werarada muqdiso ay ka geystaan

 

Dhinaca kalana Askar katirsan Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ayaa loo xiray weerarkii Hotel SYL sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah weraarka syl ayaa waxaa si weyn kaga carooday madaxda dalka ugu sareyso uu ugu horeeyo madaxweynaha soomaliya

 

Arimahan ayaa imaanaya xili dadku ay su’aala iska weydiinayaan sida uu udhacay weerarkii Khamiistii ee Hotelka SYL.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here