Jubaland oo xukuno ku riday askar u goosatay al shabab una geyay hub iyo gaari

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta  Jubbaland ayaa la horgeyay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi, Xassan Cabdullaahi Maxamed iyo Mukhtaar Maxamed Cali oo loo haysto in ay ku kaceen qayaano qaran, isla markaana ay la goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah iyo qori AK47 oo ay lahayd mamulka Jubbaland

 

Eedeysanayaasha kala ah Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdullaahi Maxamed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland ku soo eedeeyay in ay al shabab u gacan galiyeen gaari Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah oo bulshada loogu adeegayay.

 

Labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa la falgalay  al shabab iyaga oo aaminsanaa in ay ka heli doonaan dhaqaale badan, , waxaana looga baxay balankii ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ marka ay al shabab  gaariga iyo qoriga u geeyaan.

 

Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa loo heystaa in kooxda  al shabab  uu u gacan galiyey qori BKM ama Dabajeex, kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500$ kadibna u hayaamay gobolka Baay, gaar ahaana magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kasii amba qaaday in uu qeyb ka noqdo Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka hayeeshee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo muddaba baadi goobaysay ayaa xogtiisa heshay ugu dambayna gacanta ayaa lagu doo dhigay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn  ku dhawaaqay xukunka saddexda eedeysane oo lagu xukumay min toban sano oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan hantidii ay  al shabab ka iibsadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here