Waddamada Ingiriiska, Denmark, Finland, Norway iyo Sweden, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan dhammaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland.
War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen dalalka beesha caalamka ee taageerta Dimuqraadiyadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in saxeexa xeerarka doorashooyinku ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dhaqan dimuqraadiyadeedka Somaliland.
“Waxaanu u aragnaa saxeexa xeerka doorashooyinku inay tahay dib u xaqiijinta ka go’naanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.
Waxa kale oo ay ku booriyeen in dhammaan daneeyayaasha doorashooyinku ay wada jir u xaqiijiyaan inay u dhan yihiin sidii doorasho xor iyo xalaal ahi uga qabsoomi lahayd Somaliland waqtigii loo cayimay ee 13ka November 2024ka.
Baaqa beesha caalamka ayaa imaanaya xili wali muran uu ka tagan yahay arimaha dorashooyinka Somaliland isla markaasi muridka ay wadaan dadaalo kala duwan oo ku aadan qabashada doorasho ku dhacda waqti cayiman

