Taliska Ciidanka Booliska mamulka Somaliland ayaa waxa uu gacanta ku dhigay eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah,
Hooyada baabuurka jiirsiyay ayaa lagu soo waramayaa in ay u geeriyootay dhawacii kasoo garay Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaana waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta ku soo dhigeen Eedeysanaha iyo gaadhigiiba, waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska.
Sidoo kalana Waxaana bolisku sheegeen in sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga,
Somaliland ayaa ka mid degaanada soomaliya eek u badan shilalka nucaani oo kala ah iyadoona mudooyinkii ugu danbeyay uu sii kordhayay

