Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka xalay kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isaga oo kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka al shabab
Sidoo kalana madaxweyne xasan shikh ayaa shaaca ka qaday in guulo laga garay dagaal al shabab ee wali socda isaga oona sheegay in degaano badan laga saray muqdisho qofkii gaari ka qaato ayuu shegay in uu gaari karo galkacyo bilaa shabab la,aan sida hadalka uu u dhigay
dhinaca kalana waxa uu shegay in galmudug loo bahan yahay in ciidanka jooga ay kasoo dhamadaan howlgalada ay ka wadaan ee ka dhan ah al shabab si ay ula waregaan goobaha atmis ay ka bixirabaan dhamaadka sanadkaan

