Xog culus qasaaraha qaraxyada bakaaraha ka dhacay iyo shirkad caan ah la bartilmaamadeystay

0

Waxaa manta xalado cakiran laga soo warinayaa suuqa bakaraha oo ka dhacay qaraxyo  ku dhawaad afar ah kaasi oo lala eegtay goobo ganacsi oo lagu  iibiyo waxyabaha electroniska

Goobaha ugu daran xiligaan waxaa ka mid ah gudaha suuqa cabdala shideeye oo intiisa badan gubanaya oo uu ku jiro  masjidka cabdala shideeye ku dhexyaala dhamaan xarumaha iyo masjidka ayaa sameyay qaraxyada dhacay ilaa hadana lagu ma guleysan in la damiyo dabkaasi

 

Sidoo kalena xarumaha qaraxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah xarunta shirkada weyn ee Samsung qeybteeda ku taal bakaraha gaar ahaan wadada shirkada ama agagaarka xarunta hurmuud qaraxa ka dhacay xaruntaasi ayaa ilo wareedyo xilkas ah kusoo waramayaan in uu jiro khasaaro dhinmasho iyo mid hantiyadeed leh inta la xaqiijiyay waxaa qarahaasi ku dhintay wardiyihii ku sugnaa afafka hore ee xarunta shirkada Samsung.

Dhica kalana ilaa hada ma jirto warkasoo baxay al shabab oo ay ku sheganeyso masuliyada werarkaan waxana xiligaan isha lagu hayaa warka kasoo baxaya dowlada oo ku aadan xalada jirta iyo cida ka danbeysa qaraxyada xalay ilaa sake wabarigii dhacayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here