Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan al shabab oo ka dhacay sh.hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo  diyaraha mareykanka ayaa Howlgal ka dhan ah ururka  Al-shabaab ka fuliye tuulooyin hoostaga gobolka Shabellada Hoose ee mamulka konfur galbeed soomaliya,

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ayaana sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay isku aruursanayeen al shabab

Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka oo  qaatay saacado badan in uu kusoo dhamaday sidii loogu talagalay walina uu jiro howlgalkaasi.

Dhinaca kalana qoraal lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida oo loga hadlayay howlgalkaasi ayaa lagu yiri..

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada Mareykanka ayaa lagu bartimaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay degaano ka tirsan gobolka Shabeelada hoose, howlgalka waxaa lagu dilay  maleeshiyaad katirsan khawaarijta, iyadoona gebi ahaan la burburiyay dhagartii ay shacabka usoo maleegayeen..

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu badan ee inta badan ay ku dagaalamaan Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo dhinac ah & Al-Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here