Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya madafiic xalay lagu garacay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka baanadir kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo mid dhawac ah sida xogtu shegeyso Madafiicdaan ayaa ayaana si weyn loga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir iyadooa sarakiisha dowlada si hoose inoogu shegeen in laga soo tuuray degmooyinka iyo degaanada dhaca bananka muqdisho.
Madafiicdaan oo ahaa dhowr ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay xero gadiidka oo ah goob ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada gaar ahaan ciidanka booliska somaliyeed waxana uu geystay qasaaro dhimasho iyo mid dhawac oo ilaa hada la xaqiijin tirade rasmiga ah.
Dhica kalana qarkood madafiicda ayaa ku dhacay meelo aan ka fogeyn halka looga arimiyo dalka ee madaxtooyada soomaliya hayeshee ilaa hada madafiicdaasi Ayaan laga heyn wax tafasilaad dhereead ah iyo in uu ka dhashay qasaaro
Sidoo kalana ma jirto wax waraa oo kusoo baxay hayadaha dowlada soomaliya oo ay klaga hadlayaan madafiicdaan iyo halka saxda ah ee la bartilmaamadeystay hayeshee al shabab ayaa madafiicda nuucani oo kala ah looga bartay in ay shegtaan inkastoo ilaa hada uusan war kasoo bixin.

