Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa ka taagan xiisadd u dhaxeysa Ciidamo kasoo horjeedo Doorashadii ka dhacday magaaladaas oo mar kale dib loogu doortay Madaxweyne Saciid C/laahi Deni.
Ciidamadaan uu hogaaminaayo Janaraal Jimcaale Jaamac Takar, ayaa la wareegey gacan ku haynta kaantaroolka koonfureed ee caasimadda, sida lagu sheegey warqad lagu faafiyey baraha bulshadana waxa ay sheegeen; in ay ka soo horjeedaan ‘Caleema-saarka’ Madaxweynaha Puntland ee dib loo doortay.
Xalay Waxaa gudaha magaaladda garoowe lagu arkayay ciidamadaan oo ka Tirsan kuwa Danab ee Puntland,waxayna tani cabsi badan ay ku abuurtay shacabka magaaladda ku dhaqan.
Qoraal ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay kasoo horjeedaan dib u doorashadda iyo caleemasaarka Madaxweyne Saciid C/laahi Deni,ayna dagaal la gali doonaan Maamuka Saciid Deni ee dib loo doortay.
Lama oga in qorshahaan ay qeyb ka yihiin Xubnaha mucaaradka ee looga guuleysay doorashadii ka dhacday magaaladda garoowe ee caasimadda maamulkaas 8-dii bishaan January.
Qaar kamid ah isimadda dhaqanka Maamulka Puntland ayaa haatan ka shaqeynaya sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah saraakiisha Maamulkaas.
Dhanka kale Magaaladda Garoowe waxaa haatan ku qulqulaya mas’uuliyiin kala duwan kuwaasi oo ka qeyb galaya caleemasaarka Madaxweyne Saciid C/laahi Deni oo dhamaadka bishaan lagu qaban doono Magaaladaas.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dhawaan sheegay in ay waqti galin doono sidii u qancin lahaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha ay isku khilaafeen intii ay socdeen Olalihii doorashooyinka.

