Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in siyaasiyiinta reer Muqdisho ay dagaal ay kali ku yihiin ay ku hayaan Somaliland iyo Itoobiya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan).
Wasiirka ayaa si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay in uu galay qalad wayn oo sharci isaga oo sheegay in qudbad rasmi ah uu ku sheegay in anay jirin xuduud rasmi ah oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay tahay gaf sharci oo wayn.
“Madaxweynaha Soomaaliya maalin dhawayd oo uu hadlayay qalad wayn oo sharci ayuu galay, marka meel aad marayso aad garanwaydo hadalku waa kaa tag tagayaa, wuxuu yidhi xuduud anaga iyo Itoobiya noo dhaxaysa oo sharci ahi ma jirto” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

