Afar qof oo u Dhashay Ukrain oo Saarnaa Diyaaradii u gacan Gashay Al-shabaab

0

Afar qof oo u dhashay Ukrain ayaa kamid ahaa shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay oo dhawaan ay Al-Shabaab ku qabsatay bartamaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine.

 

 

“Muwaadiniintayadu waxay xubno ka ahaayeen shaqaalaha helikobter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…Aqoonsigoodu waa la ogaaday,” ayuu afhayeen u hadlay Ukraine oo lagu magacaabo Oleh Nikolenko ku soo qoray Facebook.

 

Waxa uu sheegay in diyaaradan ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Ukraine oo qandaraas la gashay Qaramada Midoobay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here