Al-shabaab oo Weerar Qaraxyo ku bilowday Ka Geystay gobolka Waqooyi Bari

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka geysteen deegaanka Dasheg oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

 

 

Xubnaha ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay dagaal fool ka fool ah ku qaaday xarun shirkada Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay deegaanka Dasheg.

 

Weerarka oo socday ku dhawaad hal saac oo xariir ayaana si rasmi ah wali loo ogeyn khasaraaha kala gaaray ciidamada ilaalada ka haayay xarunta shirkadda Safaricom iyo kuwa weerarka ku qaaday ee Al-shabaab.

 

Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay iney ku raad joogaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee weerar isugu jira qaraxyo iyo rasaasta ku qaaday ciidanka amaanka Kenya iyo xarruunta shirkadda Isgaarsiinta Safaaricom ee deegaanka Dasheg.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here