Faah-faahin;-Hoobiyayaal Khasaare Geystay oo Laga Maqlay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Hoobiyayaal saakay xiligii salaadda subax lagu jirey laga Maqlay qaar kamid ah Degmooyinka Magaaladda Muqdisho.

 

Hoobiyayaasha oo tira ahaan gaarayay ilaa 3-Hoobiyaye ayaa ku dhacay qaar kamid ah Degmooyinka Magaaladda muqdisho.

 

Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Shiikh Yuusuf Alkowneyn ayuu ku dhacay Mid kamid ah Hoobiyayaashii saakay laga maqlay magaalada,wuxuuna si gaar ah ugu dhacay guri dad shacab ah ay ku noolaayeen.

 

Sida ay xaqiijiyeen qoyska guriga,Hoobiyaha ayaa si gaar ah ugu dhacay qol ay ku jirtay hooyada guriga oo xiligas la sheegay in salaadii subax  tukatay,islamarkaana ay tasbiix ku jirtay.

 

Qoyska ayaa sheegay in Hooyadda jirkeeda uu go’ goay islamarkaana burbur xoogan uu soo gaaray qolkii ay ku jirtay oo xiligaas salaadda ku Tukatay,khasaare kalana uusan jirin.

 

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo ku aadan hoobiyayaasha saakay laga maqlay Magaaladda Muqdisho,iyo cid loo soo qabtay toona.

 

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda hoobiyaasha saakay laga maqlay Magaaladda Muqdisho,balse inta badan Al-shabaab ayaa sheegta hoobiyaasha xiliyadda aroortii laga maqlo Magaaladda kuwaasi oo warbaahintooda ku qoraan in ay ku weerareen Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumaha kale ee magaaladda ku yaala.

 

Dhowr jeer oo hore Madaafiic ay Al-shabaab ay la damacsanaayeen Xarumaha Dowladda ayaa ku dhacay guryo dad shacab ah daganayeen kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here