Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horyimid wadahadalo dalka jabuuti ugu furmay Shalay galinkii dambe madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Saciid Deni oo xalay ka hadlayaay xaflad uu ku shaaciylnaayay inuu yahay musharax u taagan markale qabashada xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland ayaa ku tilmaamay wadahalada u furmay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland kuwa qaldan.
“Shirka Jabuuti ka socda waan dhaliileynaa waana cambaareeyneynaa, garna ma aha in iyadoo Soomaaliya oo ay Puntland ka maqan tahay in la yiraahdo Soomaaliya ayaa laga hadlayaa, waa arrin khaldan” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

