Siyaasiyiin kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka Puntland, kuwaas oo wata saxiixyada isimadooda, ayaa warqadahooda u geystay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, sida aan ka xaqiijinay ilo xog ogaal ah oo si dhow ula socda arrimahan.
Siyaasiyiintan ayaa waxay u badan yihiin xubno katirsan maamulka madaxweyne Deni, sida wasiirro iyo la-taliyayaal, kuwaas oo qaarkood si dhow uga shaqeynaya in madaxweyne Deni uu mar labaad kusoo laabto kursiga madaxweynaha.

