Booliska oo Beeniyay  Mamnuucista Cimaamadaha, Koofiyadaha, Indhashareerka

0

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay inuusan jirin amar kasoo baxay hay’addaha amniga oo lagu mamnuucay isticmaalka Cimaamadaha, Koofiyadaha, Maskiga af xirashada iyo indha shareerka.

 

 

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ku sheegay in dacaayad ay tahay  wararka sheegaya in la macnuucay astaamaha Diimeed, sida Calaamadaha, Indha shareerka iyo kuwa dhaqanka bulshada.

 

“Majiro go’aan Amni oo lagu mamnuucayo ama wax lagu yeelayo calaamadaha Dimeed iyo kuwa dhagan ee Bulshada Soomaaliyeed. Waa dacaayad cadawgu ka danbeeyo wararka la xiriira arintaas waana in aan lagu kadsoomin. Ciidanka Amnigu waxa ay u taagan yihiin ilaalinta Diinta” ayuu yiri Taliye Mahdi Cumar Muumin.

 

Taliyaha ayaa sidoo kale ka dalbaday shacabka reer Muqdisho iney Taliska kusoo wargaliyaan hadii ay la kulmaan tacadiyo la xariira amar aanan kasoo bixin laamaha amaanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here