Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.
Golaha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiridoonin cid kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo iskusoo sharrixi karta madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen labada xubnood ee kasoo jeeda SSC Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, inay is iscasilaan.
Go’aannadan iyo kuwa kale oo dhowr ah ayay golaha dhaqanka SSC- Khaatumo soo saareen ka dib kulan ay saakay ku yeesheen magaaalada Laascaanood.

