Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal gaar ah oo maanta ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamiga ah ka sameyeen dhulka howdka ah ee Jeex jeexa oo u dhaxeya magaalooyinka Caad iyo Cadaleey ee gobolka Mudug.
Dhulkaan howdka ah oo ku yaala Koofurta gobolka Mudug ayaa la tilmaamay iney isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa Sheegay in howlgalka lagu dilay 55 xubnood oo isugu jira horjogayaal iyo Saraakiil ka tirsan Shabaab.
“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Waxaa uu sheegay in tirada Cadowga looga dilay Duqeynta uu ka badan yahay 55 dhimasho ah oo Maleyshiyaad iyo Horjogayaal isugu jira iyo dhaawaca tiro 40 ka badan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.

