Shir ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa looga hadlay Doorashada Puntland.
Madaxda ayaa ku heshiiyey qodobada soo socda :
- In Guddiga Madaxweynuhu magacaabay ee ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland sidiisa loo daayo.
- In Baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraaci uu ku yimi Baarlamaankii 5-aad, oo muddo xileedkiisa ku eg yahay 31 December 2023.

